- Version
- ES2023
- Release Date
- 1995
- Author
- Brendan Eich
- Category
- Language
Luuqadan Javascript waxa la sameeyey sannadku marku ahaa 1995 , waxaana lo sameeyey si logu adeegsado dhisitaanka websites, sababtuna waxay ahayd in websites laga dhigo qaar nool iyado javascript lo adeegsanayo si ula fal gasho HTML iyo CSS . Luuqadan waxyaabo badan ayaad ku dhisi karta oo ay ka mid yihiin: web apps, mobile apps, desktop apps, games(browser-based games) iyo waxyaabo kale oo badan.
Console.log
console.log wuxu inaga caawiya inu na tuso natiijada kadhalatey ama kaso baxday code-ka (Code-ka aynu qorney), tusaale ahaan:
Variables
Variables waxa loo adeegsada in xog lagu kaydiyo. Qaabka Isticmaalka (Syntax):
wa ereyo bixin luuqada u gaar ah oo loo adeegsado si loo qeexo variables.
waa magaca variable-ku iska leeyahay. Sido kale magaca variable-ka waxa lo yaqaana variable identifier.
wa qiimayaasha la kaydinayo ama xogta la kaydinayo.
Var
Var waa erey bixin lo adeegsado in variable(doorsame) lagu qeexo.
Astaamaha uu iska leeyahay - Var
Qiimaha ku kaydsan variable-ka waad bedeli karta.
Variable-ka dib ayaad u qeexi karta.
Variables-ka lagu dhex qeexo function-ka dhexdiisa, kaliya waxa laga heli kara function-ka lagu dhex qeexay.
Hadduu jiro variable aan la qeexin ka dibna la qeexo, wax mushkilad ah ma keenayso.
Marka laga qeexayo variable-ka, khasab maaha in la qeexo qiimaha variable-ka lagu kaydinayo.
1. Reassignment
2. Redeclaration
3. Function scope
4. Hoisting
5. Undefined Value
Let
Let waa erey bixin lo adeegsado in variable(doorsame) lagu qeexo.
Astaamaha uu iska leeyahay - Let
Qiimaha ku kaydsan variable-ka waad bedeli karta.
Variable-ka dib uma qeexi kartid.
Variables-ka lagu dhex qeexo '', kaliya waxa laga heli kara meesha lagu dhex qeexay.
Mushkilad ba ka dhalanaysa haddii u jiro variable aan la qeexin ka dibna la qeexo.
Marka laga qeexayo variable-ka, khasab maaha in la qeexo qiimaha variable-ka lagu kaydinayo.
1. Reassignment
2. Redeclaration
3. Block scope
4. Hoisting
5. Undefined Value
Const
Const waa erey bixin lo adeegsado in variable(doorsame) lagu qeexo.
Astaamaha uu iska leeyahay - Const
Ma bedeli kartid qiimaha ku kaydsan variable-ka.
Variable-ka dib uma qeexi kartid.
Variables-ka lagu dhex qeexo '', kaliya waxa laga heli kara meesha lagu dhex qeexay.
Mushkilad ba ka dhalanaysa haddii u jiro variable aan la qeexin ka dibna la qeexo.
Waa khasab in la qeexo qiimaha variable-ka lagu kaydinayo marka laga qeexayo variable-ka.
1. Reassignment
2. Redeclaration
3. Block scope
4. Hoisting
5. Undefined Value
Rules for Variable Names
Marka la magacaabayo variable-ka waxa jira sharciyo u gaar ah oo ku saabsan sida lo magacaabo variables-ka. Shuruucdaas waxa ka mid ah:
1. Magaca variable-ku kuma bilaabmi karo tiro
2. Ma isticmaali kartid ereyo bixinta u gaar ah luuqada
Marka magacaabaysid ha isticmaalin ereyo bixinta u gaarka ah luuqada (reserved keywords). Tusaale:
3. Case-sensitive
Haddii ay jiraan laba variables/doorsame oo isku magac ah laakiin ku kala duwan xarfaha waaweyn iyo kuwa yaryar waxa lo aqoonsanaya inay yihiin laba variables oo kale duwan. Tusaale:
Hababka kala duwan ee lo qori magaca variable-ka
Camel Case
Habkan waxa weeye in kalmada ugu horeysa laga wada dhigo xuruuf yaryar, kalmadaha kalena xarafkooda ugu horeya waxa laga dhigaya xaraf weyn, xuruufta kalena xuruuf yaryar. Tusaale:
Pascal Case
Habkan waxa weeye in kalmad kasta xarafkeeda kowaad laga dhigo xaraf weyn, inta kalena xuruuf yaryar. Tusaale:
Snake Case
Habkan waxa weeye in dhamaan kalmadaha laga wada dhigo xuruuf yaryar sido kalena kalmadahana loo kala dhexeesiyo _(underscore). Tusaale:
Data Types
Xogta variable-ka lagu kaydinayo waxa lo kala qaybiya laba nooc oo kale ah Primitive Data Types iyo Reference Data Types(Non-Primitive) .
1. Primitive Data Types
Waa xog hal qiimo ka kooban oo la bedeli karin.
Noocyada xogta Primitive data ah waxa ka mid ah:a. String
Waa xog kasta oo ku dhex jirta ” ” ama ’ ’ ama ` ` taas lo aqoonsanayo inay xogtaasi tahay string xita haday tahay tirooyin ama ka kooban tahay tirooyin.
b. Number
Waa xogta tirooyinka ah. Waa dhamaan xogta tirooyinka ah: integers (tirooyinka), floats (tirooyinka ah jajab tobanle) iyo xogta gaar ah sida ‘NaN’, ‘Infinity’ kuwaas oo iyana lo aqoonsado inay yihiin xog tirooyin ah.
c. Boolean
Boolean waa nooc ka mid ah xogta oo kaliya yeelan karta laba qiimood: run (true) ama been (false).
d. Undefined
Undefined waa nooc ka mid ah xogta u variable-ka u qaadanayo haddii la qeexin qiimaha Variable-ka lagu kaydinayo taas oo micnaheedu u yahay qiimihii ayaa maqan.
e. Null
Null waa nooc ka mid ah xogta taas oo micnaheedu u yahay “qiimo madhan” oo aan waxba u taagneyn.
Primitive Data Types
Astaamaha - Primitive Data Types
Waa xog ka kooban hal qiimo (Single Value).
Qiimaha ama xogta wax lagama bedeli karo.
1. Holds Single Value
2. Immutable
Sida loo hubiyo nooca xogta
typeof waa erey bixin ino sheegta nooca xogta.